Ticker

6/recent/ticker-posts

QOF CUSUB NOQO


Markay noloshaadu faaruq tahay 
markaad ciriirka badan dareemaysid, markaysan barridu
kuu muuqan markad ugu baahi badan tahay. waa markay ugu adag tahay heelitaanka
wadadii uga bixi lahayed. laakiin waligaa marna ha quusaan. Markay xaaladuhu 
ku adag yihin markaad ciriiri fara badan dareemaysid markaad jah wareersan tahay oo 
wadadaa u bixi lahayd aadan garanayin.

Marka xaalada badani ay kaa qasan yihiinoo ciriirkaagu maalinba maalinta ka dambaysa
uu tirada ka badanayo badi dadku ma og tahay waa meeshay isku dhiibaan.  badi  dadku waa meeshay ku jabaan. Badi dadku waa meeshay ku quustaan. Badi dadku waa meeshay 
ku rajo go'aan.

Laakin, weligaa marna naftaada ha dhiibin. naftaadu yeysan ilbiriqsina, ha noqotee is dhiibin 
wayo hadii maanta aad jootid waxaa dhici karta beriba inay ka fiicnaat. Inay adagtahay
shaki kuma jiro inaad qalbiga xanuun ka dareemaysidna doodi kama taagna laakin meesha
u baahan inaad bedeshaa waa sida xaalada aad u arkaysid markaad bedeli waydid xaalada
markaa ku jirtid.

Wada aau baxadaana aysan jirin waxaad naftaada kula dadaashaa siday ubadali lahayd
 argtid axaaladatan ay ka qabto siduu udhigay ninka la yiraahdo Wayne dyer wuxuu yiri hadii arintan sida aad u aragtid aad bedeshid. Waxay maskaxdaada iyo dareenkaagu u heleyaan nafis ay ku raadiyaan xal.

Laakin marka mushkiladu ay kugu cakkiran tahay oo xaalad adag aad ku jirtid. Maskaxdaada 
ma og tahay inay ku adag tahay, inay fakerto taaso u diiddaysa inay xalki hesho guri markuu dab ka kaco waxaa la raadiyaa dab demiska iyo sidii dabkaa loo damin lahaa awoodo ksataa la isugu geeyaa, maskaxdaada dabka ka shidan ee ku dhabar jabinaya maskaxdaada dabka ka shidan ee ku cunaya maalin kasta. Taasoo la xiriirta maalmihi tegay wixi ku soo dhaafay ama kugu dhacay.

Hubaal maanta wakhtigan aad joogtidbay ku gubayaan, dareenkaa shalay wixii tegay 
ee maanta aad la nooshahay himmadaada waa waxa dilaya. Waa waxa caqligaaga hoos udhiigaya.
Waa waxa damiirkaaga dilaya waa waxa caajiska kugu ridaya. waa waxa keenaya inaad cabsatid ood 
ubhawoonweydid wax kastoo awood aa leedahay hortaada maanta yaalla  mustaqbalkaagana 
ay dantu ugu jirto.

Weli ma ogide hawlahaagu waa qabayo, haday arrini qabyo kaa tahayna lagama tago laga seexdo lagama nasto fasaxna lagama qaato. Sidaad u dhammaystiri lahayd. Baa damiirkaaga iyo qofnimadaado dhan la dul dhigaa sidii aad u hubin lahayd ood u gaari lahayd. Baa la sameeyaa waxawd ogaataa qof kuu socda ma jiro.

Qof intuu kuu yimaado waxaad adigu rabtid kuu qabanayo ma jiro. hadaad filaysid inuu kuu imaan doono kuuma soo socdo warkaasu haduu ku naxdin gelinyo, maanta iga dhegayso hadaadan adigu naftaada u kicin. Hadaadan adigu naftaada wax u qabsan. Hadaadan adigu naftaada meel ka soo saarin qofna intuu kuu yimaado kuuma qabanayo.

Waxaad ku hami weyn tahay shaqada ugu adag ee qof bini Adam ahi uu qabtay waa naftiisa
markuu damco inuu bedelo. Markuu naftiisa damco inuu ka shaqeeyso dabeecadaha xun xun ee ay leedahay inu ka tirtiro kuwa wanaagsanna uu naftiisa wehel kala dhigo shaqada ugu dagee qofka bini aadamka ahi uu qabtaa, ma ahan shaqooyinka uu banaanka uu ka soo shaqeeyo dadkaa kale oo uu wax la qabto hawlahaad adage xubnihiisu qabtaan maya, shaqo ka adag ee qofka bini aadmaka hortaala ma jirtoo naftiisa ka ahayn.

Hadana marka shaqadaasu sida ay tahay loo qabto sida ay tahay markaad nafta uga shaqaydid oo u edbisid naftaada tarbiyad wanagsan aad bartid. waxaad ogaataa waa tan ugu wax tarka badan.
Dadkuna waa tan ay ugu gaabinta badan yihiin maanta. Edbinta markaan ka hadlayo meeshatan kama wado dadkaa caydaa, Dadkaa dulmidaa, waxbad kaa sheegta, kama hadlayo salaadihii baysan tukan quraanka ma akhiriso taasu waa edbin nooc kalaah.

Laakin ma og tahay naftaadu mar marka qaarkood iyada naf ahaanteedaa isu geefta tahay 
yeeshee cid og haday jirtaba rali gelin wa laga bixin lahaa. Laakin raali gelinteedu waa mid 
nooc kala ah, ee raali ahow keliya ma ahan. Naftaada waxaad ugu geftay markaad iska hurudid adigoo shaqaysan kara naftaada waxaad ugu geftay. markaad adoo wax barashada fursadeedu ku hortaallo aadan ka faa'iidaysnayn.

Naftaada waxaad u geftay meel aan u qalmin markaad taallo. naftaada waxaad u geftay markaad daba taagan tahay qof aan Dan ka lahayn. Naftaada waxaad u geftay dadka xaasidka kuu ah, oo nacabka kuu ah, aad uqoslaysid oo soo dhawaysanaysid adigoo dookhodi iska dhigaya. Naftaada waxaad u geftay meel oo aan u cuntamin markay taallo Adigoo awoodeedu kugu jirto in aad wax bedeshid wana kab qabatid.

Dhibaatooyinka kala duwaan ee nolosha ka qabsada waa fursado. Laakiin qof caqli fayoow uun baa fahmi kara dhib kastaba dheeftiisu wataa. Dhib dheef la'aan ahi ma jiro casharbaa ku jira dahsoonoo adigu aadan ujeedin wax badanbaa adiga kaa qarsoon oo mustaqbalka mugdiga ku jira laakiin adigu ma garanaysid. ilaahaybaa ku watee adigu isma wadid shaqaa lagaa cayriyey, muddo dheerbaa ku dheganayd. Wax walbaad samaysay.

Laakiin ugu dambayn qof shaqadaa qofkii madaxda kuu ahaabaa dhuunta ku galay wuu kaa cayriyay. Waa lagaa fujiyey waad ka fuqi weyday wax walbood ku tegi lahaydba lagu tus waa tegi wayday.

Laakiin ugu dambayn waa laga fujiyey waa lagaa cayriyey. Haka dul ooyin, waxaa dhici karta ilaahay sababta uu kaaga fujiyey, inay tahay shaqadaa shaqo ka fiican in lagu soo 
wado waxaa lagu arkaay qof taya sarreya oo himmadiisu in aad tahay.




Post a Comment

0 Comments